Xog: Daacish oo xirtay goobo ganacsi oo ku yaal Boosaaso – Maxay dalbatay kooxda?

Boosaaso (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah, kooxda Daacish ayaa xirtay xarumo ganacsi oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kadib markii ay iska bixi waayeen lacag baad ah oo lagu soo rogay.

Shirkad lagu magacaabo Al-Macruuf ayaa la sheegay in xarumaheedii magaalada Boosaaso albaabada loo laabay kadib markii ay iska bixi waayeen lacag dhan 500,000 oo dollar oo kooxda Daacish ay sheegatay.

Xarun ay laheed shirkadaas ayaa dhawaan la qarxiyey oo dab qabsaday, waxaana halkaas ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh, taas oo banaanka keentay cabsi soo wajahday ganacsatada magaalada oo caga-jugleyn kala kulmaya Daacish.

Cabsidaan ayaa wada saameysay ganacsatada Boosaaso, sida ay noo xaqiijiyeen xubnaha noo waramay, waxayna Daacish bilowday dardar gelinta dhaqaaale uruursiga iyo hanjabaadaha ka dhanka ah ganacsatada.

Sida ay tilmaameyso xogtaan masuuliyiinta Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa ka gaabsaday cabsidaan soo korortay ee sababtay in albaabada loo laabo ganacsiyada qaar, maadaama ay kooxdu taallaabo qaaday.

Dhawaan Al-Shabaab iyo Daacish oo isku heysta maamulka iyo arrimaha dhaqaale uruursiga ayaa ku dagaalamay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo tobanaan dagaalame ay isaga dileen.

Ciidamada Puntland ayaan wax duulaan ah ku qaadin kooxahaas ku sii tarmaya gobolka Bari, waxaana xusid mudan in weerarro toos ah, qaraxyo iyo dilal gaadmo ah ay ka geystaan magaalooyinka ugu waaweyn Puntland.

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ka mideysan dhaqaale uruursiga iyo handadaada ganacsatada, waxayna sidaas ku helaan dhaqaale badan, maadaama dadka ganacsiyada leh ay dhiibaan wixii la weydiisto.

Ma jirto dowlad ama maamul ka difaaci kara ama amnigooda kafaala qaadi kara ganacsatada Soomaaliyeed, hadii ay diidaan baada ay weydiisanayaan kooxa argagixisada ah, waxaana loogu hanjabaa in la dilayo, hadii aysan dhiibin dhaqaalaha ay sheegtaan.