Xasan oo qaatay dhaqan siyaasadeed ku cusub dalka iyo ‘waxa uu ka dhigan yahay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa asbuucii hore dib uga magacowday Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Ninkaan oo ay badi dadku u yaqaanan Taliye Shub ayaa xilkaan markii labaad fursad u helay.

Dowladdii Farmaajo ayaa iyaduna kal hore booskaan Taliye Shub u magacowday. Jeneraal Mahad ayaa Asluubta madax ka ahaa xilli ay xabadeeyeen gaadiid galbinaayey Xasan Sheekh Maxamuud oo xilligaas mucaarid ahaa.

Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka waxaa weli hogaaminaya Odowaa Yuusuf Raage oo uu Farmaajo magacaabay. Odowaa ayaa hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka xilli militariga isku-dayeen inay madaxdii hore ee dalka ku dilaan hoteelka Maa’ido ee magaalada Muqdisho, xilligaasi oo la iska caabiyay.

Taliye xigeenadii Booliska, Militariga iyo Socdaalka ayuu sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh illaa hadda ku haysta xubnihii ay magacowday dowladdii Farmaajo.

In taliye Shub dib loo soo magacaabay, Odowaa aan la bedelin iyo in Xasan Sheekh weli isticmaalayo inta badan hoggaanadii ciidanka ee ay dowladda Farmaajo magacowday ayaa fikrado kala duwan laga bixiyay.

Saddex daliil ayaa ugu muhiimsan, kuwaasi oo kala ah;

1. Caddeynta in uusan aargoosi jirin: Iyada oo la xasuusto in si aan fiicneyn ay hoggaanka ciidanka ula dhaqmeen madaxweyne Xasan Sheekh intii uu mucaaridka ahaa, haddana waxa uu ololahiisa ku ballan-qaaday in uusan aarsan doonin haddii uu xukunka kusoo laabto.

Tallaabadda uu Taliye Shub ku magacaabay, Odowaa-na uu weli ugu joogo hoggaanka ciidanka xoogga dalka waxay si buuxda uga markhaati kacday ballantiisi aheyd in uusan aarsan doonin.

Dadka arrimahan isha ku haya waxay leeyihiin tani waxay caddeyn buuxda u tahay in Xasan Sheekh uu ka leexday dhabaha aargoosiga.

2. Kalsooni: Marka arrintaan laga hadlayo Xasan Sheekh wuxuu u muuqda ayay leeyihiin dadweynaha nin isku kalsoon oo aaminsan in taliyeyaasha aysan leexin karin siyaasadiisa amniga, ayna fulinayaan waxa uu isagu rabaan.

Haddii uu arko inay daacadnimadooda dhaawacan tahay awoodda inuu deg deg iskaga bedelo.

3. In ciidanka la fahamsiiyo in aanay shaqsi u shaqeynin: Haddii madaxda ciidanka ay la bixi lahaayeen dowladdii Farmaajo waxay farriintu noqon laheyd niman shaqaale u ahaa nidaamkii hore, taas oo dhaxalkeedu noqon lahaa in dowlad walba oo timaada ay la timaado taliyeyaal ciidan, kuwaas oo markii awooda ka dagaan hore u raaca.

Fallanqeeyayaasha waxay leeyihiin cashir ayaa ugu jira guud ahaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo ah dalka ayaa u shaqeysaan ee isaga daacad u ahaada oo dulmi ha u sameynin shaqsi maanta jooga berrina ka tagaya shaqada ka tagaya.

Saddexdaas fasiraad ayaa laga bixiyay inuu madaxweyne Xasan Sheekh dib u magacaabayo saraakiishii Farmaajo la shaqeysay ama inuu qaar sidoodii ugu dhaafay xilalkii ay hayeen.