Somaliland oo shaacisay in xilligaan wada-hadal u furmi karin DF laba arrin darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaradka Somaliland ayaa shaaciyay in xilligaan aysan suurta-gal aheyn inay dib u furmaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, xilli la qorsheynayo in dhawaan lasii amba-qaado wada-hadaladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay ergeyga arrimaha Somaliland, kaasi oo u magacaabay Cabdikariin Xuseen Guuleed, oo ay soo dhaweysay xukuumadda Somaliland, kuna tilmaamtay nin wax badan kala socday wada-hadalladii iyo is-fahamkii ay hore u gaareen labada dhinac ah.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxa uu sheegay in wada-hadallada labada dhinac aysan u furmi karin laba arrin oo kala ah; dagaalka ay ku jirto dowladda federaalka iyo doorashooyinka kusoo food leh Somaliland.

“Wada-hadal Somaliland iyo Soomaaliya waqtigan u furmi kara majiro oo anagu doorasho ayaa galeyna, idinkuna howl-gal ayaa ku jirtaan, waddanka aad ka saarey argagixisada,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale waxa uu yiri “Somaliland iyo Soomaaliya marka ay is horfadhistaan waxay ka wada-hadli doonaa mid uun, sida aan wax u wada-qabsan laheyn. Soomaaliya-na ha qirto anagu dhibaato tirsan mayno ee waa kala baxeen Soomaaliya iyo Somaliland.”

Guddoomiye Waraabe ayaa waxa kale oo uu tilmaamay in lagama maarman ay tahay in wada-hadalada dib u bilaabanaya ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay noqdaan kuwa ku qotoma sidii laba dal oo walaalo ah loo noqon lahaa.

“Jamhuuriyadda Somaliland gorgortan gali mayso hada kiini gorgortan galiseen oo Shan u qaybiseen, anagu talada dalkayaga mardambe cid la yeelan mayno,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbigada mucaaradka ee Ucid oo gaashaanka ku dhuftay midnimada ay raadineyso dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, wada-hadalada labada dhinac oo muddo soo socday ayaa waxaa la tilmaama in inta badan ay horumar ka sameyn waayan in labada dhinac ay miiska soo saaran laba qadiyadood oo kala fog, kuwaasi oo ah midnimo iyo gooni-goosadka, taasi oo midna aanu dhankiisa wax dabac ah ka samayn.