27.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xiisad cusub: Somaliland oo ciidamo badan gaysay magaalada Laascaanood

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maamulka Somaliland uu geeyay ciidamada aad u farabadan.

Ciidamada oo isugu jira Booliis iyo Milateri ayaa xalay lagu arkay Xaafadaha Waaweyn ee Magaalada laas-Caanood kuwaas oo ilaa Maanta dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wada duleedka Magaalada laas-Caanood.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaalilan ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in ay dareemeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo dhankooda ay wadaan kuwa Maamulka Khaatuma garabka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Khaatuma.

Xiisadaas ayaa Maanta laga dareemayaa gudaha magaalaa laas-Caanood, waxaana dadka qaarkood ay sheegeen in ay cabsi soo wajahday.

Saraakiisha ayaa waxa ay sidoo kale sheegeen in Maamulka khaatuma uu ciidamo usoo daabulay deegaano ka tirsan Gobolka Sool iyaga oo ka soo horjeedo doorashada Maamulka Soomaaliland sida uu hadalka u dhigeen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News