Xiisad cusub: Somaliland oo mamnuucday gabi ahaan Isticmaalka Furaha Internetka Somalia (Akhriso)

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa dhammaan deegaanada maamulka looga mamnuucay isticmaalka furha internetka Soomaaliya ee (so).

Qoraalkan oo ay soo saartay Wasaaradda isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda maamulka Somaliland, ayaa waxaa dhammaan dadka ku nool deegaanada maamulka loogu  qabtay in muddo bil ah ay uga isticmaalka furha internetka Soomaaliya ee (so).

Qoraalka oo la ogeysiiyay Hoggaamiyaha maamulka ayaa waxaa Shacabka maamulka iyo Shirkadaha lagu faray inay uga faa’iideystaan mudada bisha ah ee lasiiyay.

Qoraalkaan ayaa daba socda xiisada Siyaasadeedka maamulka kala dhexeeya dowlada Somalia, oo iyadu wax kama jiraan ku tilmaantay Heshiiska Berbera.

HOOS KA AKHRI WARQADA