Maxaa laga filankaraa ajandaha kulanka berri ay yeelanayaan Xildhibaanada BFS?

Muqdisho (Caasimada Online)-Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo kulanka ugu horeeyey oo ay yeelan doonaan Xildhibaanada BFS, kadib furitaanka Kalfadhigii Saddexaad ee Golaha Shacabka.

Guddoonka BFS ayaa goordhow Xildhibaanada baarlamaanka u kala diray fariimo lagu wargalinaayo in berri oo Isniin ah uu jiro kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana laga dalbaday inay ku yimaadaan wakhtiga lagu balamay.

Kulanka oo xiiso gaara leh ayaa waxa uu ajandihiisu yahay ka doodista arrinta la xiriirta Heshiiska Dekeda Berbera ee saami qeybsiga ah oo ay wada gaareen Dowladaha Imaaraadka Carabta, Ethiopia iyo Maamulka Somaliland.

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay dhinac u tuuraan Heshiiskaas oo muranbadan ka dhex abuuray Dowlada Somalia, Imaaraadka iyo Maamulka Somaliland oo xubin ka ah maamulada ka jira dalka.

Kulanka oo loo dhaga taagaayo ayaa waxa ay shacabka ka sugayaan halka uu noqon doono mowqifka Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ee kulmaaya.

Xildhibaanada ayaa laga filankaraa inay kasoo horjeestan Heshiiskaas, iyagoo maalmihii tagay warbaahinta ku cadeynaayay Mowqifkooda oo ah in Dekadda Berbera aysan Heshiis gaara ku gali Karin Somaliland qura.

Geesta kale, Ra’isul wasaare Kheyre oo garab ka helaaya Madaxweynaha Somalia Farmaajo, ayaa sheegay in heshiis walba oo la galayo kuna saabsan Deked, Bad, Khayraad iyo kuwo kale ay u idman tahay Dowladda Federaalka, ansixintiisana keliya ay sameyn karaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com