Kheyre oo mar kale weerar cad ku qaaday dowlada Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ka hadlay faragalinta ay dowlada Imaaraadka Carabta ku heyso dowlada Somalia iyo dhulkeeda.

Kheyre ayaa sheegay in xukuumadiisa ay dadaal lixaad leh ku bixineyso sida lagu laali lahaa Heshiiska dhexmaray Shirkada DP World iyo maamulka Somaliland ee ku saleysan Dekadda Berbera.

Waxa uu sheegay in shirkada DP World ay garab libaax ka heysato dowlada Imaaraadka Carabta, sidaa aawgeed ay u sinaan doonaan dowlada Imaaraadka iyo maamulka Shirkada.

‘’Dowlada iyo shirkaduba waxa ay ku kala bedelan yihiin magaca weyna inoo siman yihiin, waxa aan xiligaan dooneyno waa inay faraha kala baxaan amuuraha Somalia, haddii aynu dhicin waxaan tiigsan doonaa talaabada nala gudboon’’

‘’Marka hore waxaanu ku dadaali doonaa inaan wax waliba ku xalino wadahadal, haddii  ay dhici weyso Somalia uma sii dulqaadan doonto faragalinta cad ee kaga imaaneysa Imaaraadka carabta’’

Kheyre waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay weli dhooreyso diplumaasiyada,iyadoo haddii taa laga maarmi waayo loo gudbi doono waddooyin kale oo suuragal ah.

Waxa uu Ra’isul wasaare Kheyre sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga doonaayo keliya inay tallada dalkooda u dhiibtaan Madaxdooda, si looga mirro dhaliyo wax waliba oo dhibaato ku ah Somalia.

Wuxuu tilmaamay in qorshaha dowlada Somalia uu yahay in Umadda Soomaaliyeed laga badbaadiyo caawimaado heer shisheeye ah si taa looga badbaadana la doonaayo in Madaxda iyo shacabkuba ay is garab istaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa haddalkaan sheegay xili uu kulan khaasa ah la qaadanaayay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia, waxyar kadib markii laga baxay kulanka Dowladda Somalia ay Beesha Caalamka ugu soo bandhigeysay qorshaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM loogala wareegi lahaa ammaanka dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com