QM oo maamulka Somaliland ku celisay dacwad ka dhan aheyd DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maamulka Somaliland oo qeyb ka ah maamulada ka jira dalka uu  qoraal kooban oo dacwad ah u diray Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan  Somalia Micheal Keating.

Sida aan xogta ku helnay qoraalka ayaa la sheegay inuu ku saleysan yahay faragalin ay dowlada Somalia ku heyso Heshiis uu maamulka la galay shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka.

Qoraalka kasoo baxay maamulka ee loo diray Micheal Keating, ayaa waxaa lagu dalbaday in QM ay wax ka qabato is hortaaga ay dowlada Somalia ku heyso Heshiiska Berbera.

Qoraalka ayaa waxaa lagu qeexay in dowlada Somalia ay faragalin ku heyso wax lagu sheegay ‘’Madaxbanaanida Somaliland’’, sidaa aawgeedna la doonaayo in laga hortago colaado ka dhashay talaabada ay qaadi doonto dowlada Somalia.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Micheal Keating uu dib u celshay qoraalka kaga imaaday maamulka Somaliland, isagoo ka cudur daartay inuu faragalin ku sameeyo xiisada yar ee ka taagan Heshiisaka Berbera, waxa uuna ku baaqay in laga wadahadlo khilaafka yar.

Micheal Keating, waxa uu qoraalkiisa raaciyay in faragalinta QM ay imaan doonto wixii ka danbeeya isfahan’waaga labada dhinac, maadaama ay labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland isaga dhowyihiin QM.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Somalia ayaan waxba u arag in Dacwada Heshiiska Berbera loo gudbiyo QM, maadaama dacwadaasi ay tahay mid u dhexeysa dowlado ku mideysan Ururka Jaamacadda Carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com