Xog: DF oo qarka u saran inay albaabada isugu dhufato safaarada Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Xarunta Villa Somalia ayaa sheegaya in halkaa uu weli ka socdo shirar gaar gaar ah oo go’aan looga gaarayo Heshiiska DP World iyo Maamulka Somaliland.

Shirarka ka socda Villa Somalia oo Seddex maalin jirsaday ayaa iminka xoogiisa usoo wareegay Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre, halka markii hore uu ahaa mid ka socday Xafiiska Madaxweynaha Qaranka Maxamed C/llahi Farmaajo.

Shirarka hadda socda ayaa maraaya qeybihiisa ugu danbeeyay, waxaana qeyb ka ah mas’uuliyiin xilal kala duwan ka haya Xukuumada Somalia iyo Guud ahaan qeybaha kale ee dowlada.

Illo wareedyo qeyb ka ah shirarka weli socda ayaa xaqiijiyay in Mas’uuliyiinta ugu badan ee ku jira shirka ay isku raaceen in albaabada loo xiro Safaarada Imaaraadka Carabte ee Xamar.

Sidoo kale, waxa ay mas’uuliyiinta badankooda isku raaceen in Safiirka Somalia u fadhiya dalka Imaaraadka iyo dhammaan diplumaasiyiinta ka howlgasha Safaarada looga yeero magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxaa go’aankan dib dhigay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre oo qaadanaaya go’aan kama danbeyn ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ayaa wali ka meermeeraya inay go’aan ka qaatan faragalinta iyo Heshiiska uu Imaaraadka kula wareegay Dekadda Berbera ee maamulka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay saadaashu u badan tahay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre ay ku biiraan go’aanka mas’uuliyiinta, waxaana la filayaa in dhammaan diblumaasiyiinta Imaaraadka laga eryo dalka, waa haddii aanu dhicin isbedel kale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com