Balanbal (Caasimada inline) Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud wararka aan ka heleyno waxay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad udhaxeysa ciidamada New Police iyo maleeshiyo hubaysan, kuwaas oo isku horfadhiya deegaano hoostaga Degmada Balanbal.
Xiisadu waxay timid kadib markii Ciidamada New Police ay deegaano hoostaga Degmada Balanbal, dadkii daganaa ay ka barakiciyeen , kadib markii sida la sheegay ay kasoo tallaabeen xadka Soomaaliya iyo Ethiopia.
Nabadoon Xasan Xuseen Cabdi, wuxuu ka mid yahay Odayaasha ku nool Degmada Balanbal, warbaahinta ayuu u sheegay in deeganada ciidanka New Police dadkii ay ka barakiciyeen ay kamid yihiin deeganada Cali Khaliif iyo Qoorcade oo hoostaga Degmada Balanbal kuna yaala xadka Soomaaliya iyo Ethiopia.
Wuxuu sheegay in ciidamada New Police ay soo dhoobteen soohdinta Soomaaliya iyo Ethiopia, ayna halkaasina ka wadaan handadaad ku aadan dhibaateynta shacabka reer miyiga ah sida uu shaaciyay .
Nabadoonkan ayaa sheegau in Dowladda Soomaaliya ay udireen baaq ku aadan sidii wax looga qaban lahaa ciidanka New Police ee dhibaatada joogtada ah ugeysta dadka ku nool nawaaxiga Degmada Balanbal ee Gobalka Galgaduud.
dhowaan deegaano ka tirsan gobolkaas waxaa ku dagaalamay ciidamada New Police iyo Maleeshiyo degaanka ah taasi oo sababtay khaasro nafeed iyomid haniyadeed intaba .
Halkaan ka dhageyso codka Nabadoonka
Halkaan ka dhageyso Nabadoon Xasan
Caasimada online
Xafiiska Balanbal

