25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xiisad iyo dagaal afka ah oo ka dhex-qarxay Lula iyo Trump

Bookmark
Bookmarked

Share

Rio de Janeiro (Brazil) (Caasimada Online) – Xiriirka u dhexeeya Mareykanka iyo Brazil ayaa Isniintii galay xiisad diblomaasiyadeed kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu dhaleeceeyay maxkamadeynta la xiriirta isku daygii afgambi ee xulafadiisa garabka midig, madaxweynihii hore Jair Bolsonaro.

Trump wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiinta Brazil inay wadaan “UGAARSI SIYAASADEED” ka dhan ah hoggaamiyahan 70-jirka ah ee hadalka kulul, isagoo ku digay “FARAHA KA QAADA BOLSONARO.”

Hadalladiisa waxay kiciyeen jawaab degdeg ah oo kulul.

Madaxweynaha garabka bidix ee Brazil, Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa iska indha tiray hab-maamuuskii diblomaasiyadeed wuxuuna si adag uga jawaabay “faragelinta” Trump, isagoo intaa ku daray in “qofna uusan ka sarreyn sharciga.”

Bolsonaro ayaa wajahaya maxkamad, isagoo lagu eedeeyay inuu hoggaaminayay “urur dambiilayaal ah” oo qorsheeyay afgambi uu xukunka ku sii joogi lahaa kadib guuldarradiisii doorashadii 2022.

Wuxuu wajihi karaa ilaa 40 sano oo xabsi ah haddii lagu helo dambiga. Sida ay sheegeen dacwad-oogayaashu. Qorshaha afgambi ee lagu eedeeyay wuxuu fashilmay taageero la’aan ka timid taliska sare ee ciidanka.

Kiiskan wuxuu soo xusuusinayaa dacwaddii lagu soo oogay Trump ee la xiriirtay weeraradii Janaayo 6, 2021, markaasoo taageerayaashiisu ay gudaha u galeen dhismaha Congress-ka Mareykanka si ay isugu dayaan inay natiijada doorashadii looga guuleystay ka hor-tagaan.

Trump ayaa dambigaas iska fogeeyay, waxaana kiiskii la laalay markii dib loo doortay madaxweyne – taasoo siisay xasaanad ka dhan ah in la maxkamadeeyo.

Sidoo kale, Bolsonaro ayaa ku adkeystay inuusan wax dambi ah lahayn, isagoo isku dayayay inuu abaabulo taageerayaashiisa isagoo dhigayay dibadbaxyo isdaba joog ah oo sii kala fogeeyay siyaasadda Brazil.

Saameynta ka dhalatay

Kiisaskan waxay isku soo dhoweeyeen qoysaska Trump iyo Bolsonaro, iyadoo wiilasha hoggaamiyihii hore ee Brazil ay si weyn ugu ololeynayeen in cunaqabatayn Mareykan ah lagu soo rogo garsoore ka tirsan Maxkamadda Sare iyo in Trump uu arrintan ka hadlo.

Isku daygaas ayaa hadda u muuqda mid guuleystay, iyadoo aan la ogeyn cawaaqibka ka dhalan kara xiriirka u dhexeeya labada dhaqaale ee ugu waaweyn Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika.

Wiilka Bolsonaro, Eduardo, ayaa ammaanay qoraalka Trump wuxuuna sheegay “inaysan noqon doonin warkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Mareykanka mustaqbalka dhow.”

Trump ayaa si faahfaahsan uga hadlay kiiska qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuuna soo jeediyay in Bolsonaro yahay qofka ugu cadcad doorashada sanadka soo socda – inkastoo laga mamnuucay inuu tartamo sababtoo ah wuxuu faafiyay warar marin-habaabin ah oo ku saabsan nidaamka codbixinta.

“Sida adduunka oo kale, waxaan daawanayay iyagoo aan wax kale qabanayn oo aan ahayn inay beegsadaan maalin kasta, habeen kasta, bil kasta, iyo sannad kasta!” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

“Aniga 10 jibaar ayay igu dhacday,” ayuu yiri Trump. “Waxaan bartay Jair Bolsonaro, wuxuuna ahaa hoggaamiye adag, oo si dhab ah u jeclaa dalkiisa – Sidoo kale, wuxuu ahaa gorgortame adag oo dhanka GANACSIGA ah,” ayuu yiri Trump.

Sida Trump oo kale, Bolsonaro wuxuu sheeganayaa inuu yahay dhibbane cadaadis siyaasadeed.

Bolsonaro ayaa uga mahadceliyay Trump taageeradiisa iyo difaaciisa “nabadda, caddaaladda iyo xorriyadda” qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.

Hadallada Trump waxay ku soo beegmeen xilli uu Lula magaalada Rio de Janeiro ku martigelinayay wakiillo ka socday Shiinaha, Ruushka, Iran, iyo dalal kale oo shirka BRICS ka qayb galayay.

Hoggaamiyeyaashii shirka ka qaybgalay ayaa dhaleeceeyay canshuuraha Trump iyo duqeyntii uu la beegsaday Iran, taasoo kicisay carada madaxweynaha Mareykanka iyo hanjabaad ah inuu 10 boqolkiiba canshuur dheeraad ah saari doono waddan kasta oo xulufo la ah BRICS.

Calaamad muujinaysa sida uu u cakiran yahay xiriirka Mareykanka iyo Brazil, Lula wuxuu ku adkeystay in xubnaha BRICS ay yihiin dalal madax-bannaan oo aysan doonayn “imbaradoor.”

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News