Xiisad ka taagan magaalada Gaalkacyo iyo Ciidamo lasoo dhoobay

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay magaalada Gaalkacyo.

Xiisada ayaa waxaa laga soo sheegayaa iney ka jirto galbeedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana xiisada ay ka dambeysay kadib markii ciidamo cusub lasoo kala dhigay magaalada.

Maamulada ku dagaalamaya magaalada Gaalkacyo ayaa ciidamo cusub keenay magaalada, waana midda keentay xiisada cusub ee ka taagan magaalada.

Waxaa jirto cabsi laga qabo in dagaalo ay ka dhacaan magaalada, maadaama ciidamada labada dhinac oo hubeysan ay isku horfadhiyaan galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Odayaasha labada dhinac ayaa ku guuldareystay iney kala qaadaan ciidamadii Jimcihii lasoo dhaafay ku dagaalamay Gaalkacyo, waxaana iminka muuqata in xiisada ay kasii dareyso.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com