Xog: Sidee beelaha loogu qeybiyey xilalka sare ee Hirshabeelle?!!

Jowhar (Caasimada Online) – Iyadoo ay gabagabo mareyso howsha dhismaha maamulka Hirshabeelle ee labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, ayaa waxaa soo shaac baxaya heshiis qarsoodi ah oo si hoose loogu qeybiyay beelaha labada gobol.

Xogta ayaa sheegeysa in xilka madaxweynaha maamulka Hirshabeelle loo qoondeeyay Beesha Xawaadle oo sidaasi ku heshay mucaaradnimada iyo diidamada ay kala hor timid dhismaha maamulka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa isna la siiyay Beesha Gaaljecel oo ka mida beelaha wada dega labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Beesha Abgaal oo markii hore u sharaxneyd madaxweyne ayaa isbedel lagu sameeyay waxaana la siiyay caasimadda iyo madaxweyne ku xigeen, taasoo weli ay ka biyo diidan yihiin siyaasiyiin iyo odayaal beeshaasi ka soo jeeda.

Beesha Gugundhabe oo ka hor timid in caasimada maamulka laga bedelo magaalada Buuloburte ayaa la sheegay in la siiyay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka.

Qorshaha awood qeybsiga beelaha labada gobol ayaa la sheegay inay kasoo shaqeysay IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com