Xog: Qorshaha ka dambeeya ka bixitaanka Ethiopia ee Somalia

Baydhabo (Caasimada Online) – Sida ay kusoo waramayaan Saraakiisha Ciidamada DFS ee ka howlgala Gobolada dalka ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay inta badan ciidamadeeda kala baxday Somalia.

Dowlada Ethiopia waxa ay iminka ciidamadeeda ugu badan kala baxeysa Gobolka Sh/Dhexe iyadoo la dareemaayo dhaqdhaqaaqyo ay ku sahminayaan wadooyinka ay mari la haayen.

Ciidamadu waxa ay dhaqdhaqaaq taa lamid ah kawadaan Goballadda Hiiraan, Bakool iyo Gedo oo ah halka ugu badan oo ay ka howlgalaan ciidamada Ethiopia, waxaana xusid mudan in ciidamo horudhac ah ay iminka Ethiopia ku daadgureysatay diyaarado Helikobtero ah.

Dowlada Ethiopia ayaa kumanaanka Askar oo ay kala baxeyso Gobolada Somalia ku kabeysa ciidamada ay u diyaarisay hirgalinta Xukunka Degdega ah oo ay soo rogtay Dowlada Ethiopia muddo Lix bil oo xiriir ah.

Ciidamadaani laga saaraayo Saldhigyada ay Ethiopia ku leedahay Somalia, ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada ka dhanka ah Mucaaradka ee lagu xasilinaayo amniga Ethiopia, gaar ahaan Gobollada ay degaan Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarta.

Xiisada kacdoonka wadata ee ka taagan dalka Ethiopia ayaa maslaxad u ah Somalia, marka loo eego dhanka Siyaasada maadaama Dowlada Ethiopia oo heysatay nabad lagu eedeeyo inay ka shaqeyso carqaladeynta Somalia.

Tallaabadaani ayaa imaaneysa iyadoo Dowlada Ethiopia ay ololinta rabshadahaasi ku eedeysay Dowladaha Eritrea iyo Masar oo ay kala dhexeyso xurguf Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com