Mareykanka oo si aan looga baran uga hadlay dagaalka Puntland iyo Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay Xarunta Dowlada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa waxaa looga hadlay Dagaalada ka dhex oogan maamulada Galmudug iyo Puntland.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Mareykanka ay si dhow ula shaqeyn doonto DFS, Galmudug iyo Puntland, waxaana sidoo kale lagu xaqiijiyay inay kaalin miisaan leh ka qaadan doonto xasilinta colaada labada maamul ka dhextaagan.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in si dhow ay ula socdaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxa ayna ku cadeeyen qoraalka inay wanaagsanaan laheyd joojinta dagaalka labada dhinac.

Waxaa sidoo kale, lagu sheegay in dowlada Mareykanka aysan u dulqaadan doonin dagaalka asbuuc jirsaday ee ka dhex oogan labada dhinac, waxaana lagu baaqay in la joojiyo dagaalka.

Dowladu waxa ay ku baaqday in Hogaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug ay u istaagan wadahadal lagu qaboojiyo colaada sii fogaaneyso.

Nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxaa lagu yiri ”Inay wada hadal dhab ah galaan oo lagu xalinayo khilaafka ka dhex jira si loo gaaro xaalad nabadeed iyo dib u heshiisiin balaaran”

Si kastaba ha ahaatee, qeyla dhaanta nabadeed ee Dowlada Mareykanka ayaa imaaneysa iyadoo bilowga colaadaani lagu eedeeyay Dowlada Mareykanka oo u kala hiilisay labada maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com