Xildhibaan kashifay ciidamo aan la fileynin oo dagaalka Gaalkacyo ku soo biiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wali ay colaado ka taagan yihiin magaalada Gaalkacyo dhankeeda galbeed, ayaa waxaa soo baxaayo warar dheeraad ah oo ku saabsan cida shideysa colaadaasi.

Xildhibaan Cabdulqaadir Jaamac ”Qalabxoor” oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Somalia, ayaa sheegay in wixii ka dhaca magaalada Gaalkacyo ay dusha saaran doonto Puntland.

Qalabxoor waxa uu sheegay in xasiloonida magaalada Gaalkacyo ay hortaagan tahay Puntland, waxa uuna tilmaamay in maamulka Puntland uu baal-maray Heshiiskii horay u dhexmaray iyada iyo Galmudug.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in qodobadii lagu heshiiyay oo ahaa ilaa 4 qodob, laga fuliyay keliya 3 kamid ah, halka qodobka soo harayna ay burburisay Puntland.

Dagaalka ayuu sheegay inay qeyb ka yihiin ciidamo ay qarineyso Puntland kuwaasi oo lagu kala magacaabo Sarecen ee Boosaaso xaruntooda tababarka ay tahay iyo kuwa PIS-ta Puntland.

Ciidamada Sarecen ayuu sheegay in dhawaan ay tababar siiyeen Saraakiisha dowladda Imaaraadka Carabta ka jooga Somalia, halka kuwa PIS-ta ay tababar siiyeen Saraakiisha Mareykanka ka joogta Somalia.

Labadaani ciidan ee qeybta ka ah Dagaalka Gaalkacyo ayuu sheegay in Puntland ay qarineyso, hayeeshee waxa uu dhacdooyinkaasi foosha xun ku sheegay mid ay dusha saaran doonto Puntland.

Geesta kale, Dagaalka ka jira dhanka galbeed ee magaalada Gaalkacyo ayaa weli socda waxaana lagu guuldareystay joojinta dagaalkaasi kadib markii odayaasha labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ay ku dhawaaqeen xabad joojin ka hirgasha degaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com