27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Xiisad meel xun gaarsiisan oo ka taagan magaalo ku taal dalka Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen warbaahinta Khaliijka waxaa xiisad colaadeed laga dareemayaa magaalo ku taalla bariga dalka Sacuudi Carabiya.

Xiisada oo taagneyd muddo asbuucyo ah ayaa waxa ay u dhexeysaa ciidamada amaanka iyo kooxo hubeysan oo kamid ah dadka ku nool magaalada Awamiya ee bariga Sacuudiga.

Xiisada oo heerkii ugu sareeyay gaarsiisan ayaa waxaa hadda magaalada Awamiya ee bariga Sacuudiga, ka barakacay boqolaal qoys oo iyagu baqdin ka muujiyay sida uu xaalku yahay.

Xiisada ayaa sara kacday kadib markii Maamulka magaalada Awamiya ay ku dhaqaaqeen burburinta magaalada Qaddiimiga ah ee Awamiya.

Maamulka iyo Ciidamada amaanka magaalada Awamiya ayaa sabab ka dhigay in waddooyinka magaalada ay yihiin kuwo ciriiri ah isla markaana ay ku dhuumaaleystan kooxaha shiicada ee kasoo horjeeda dowlada.

Dadka shiicada ah ee ku nool magaalada ayaa iyagu diidan in la faragaliyo arimaha magaalada, waxa ayna tani noqoneysaa qalalaasihii ugu dambeeyay ee ku xoogeysta dadka magaalada.

Sidoo kale, Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bani`aadamka ayaa ku eedeeyay xoogagga amaanka inay isku dayayaan in dadka deegaanka ay ku qasbaan inay isaga baxaan halkaasi.

Ma jiro war ku aadan xiisada oo kasoo baxay dowlada Sacuudiga oo iyadu leh amarka lagu burburinaayo magaalada qadiimiga ah ee Awamiya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News