Axmed Madoobe oo si aan horay loo arag uga carooday qaraxii Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa si adag uga hadlay Qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay maqaayad ku taal Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Qaraxaasi uu ahaa mid aan laga laheyn ujeedo diimeed, balse uu ahaa mid lagu xasuuqaayay shacab maati ah oo aan la garan waxa ay galabsadeen.

Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay in dadka kasoo shaqeeyay Qaraxa lagu laayay dadkii shacabka ahaa ee ku shaahayay Maqaaxida ay ahaayen kuwo aan u danqaneynin dadka maatida ah, isla markaana ka macaasha waxa uu ugu yeeray dhiiga shacabka.

Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay in Kooxaha ka soo horjeeda Maamulkiisa aysan kala soocin shacab iyo xubnaha u shaqeeya Dowladda.

Hogaamiye Axmed Madoobe, ayaa laamaha ammaanka Maamulka faray inay baaritaan dheeri ah ku sameeyaan qaraxa.

“Madoobe ayaa yiri ”Waxaan Laamaha ammaanka farayaa in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen isla markana jawaab deg deg ah loo helo falka dhacay”.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha laamaha amaanka maamulka ayaa ku howlan baritaanka Qaraxa oo ay ku dhinteen dhawr qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro dad gaaraya 20 ruux.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com