Sarkaal Jabuutiyaan ah iyo gabdho uu tababarayay oo ku dhintay diyaarad lasoo dhacday

Jabuuti (Caasimada Online) – Diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka Jabuuti ayaa maanta burburtay kadib markii ay ka kasday garoonka diyaaradaha Jabuuti, waxaana ku geeriyooday Sarkaal afartan sano waday diyaaraddaha milateriga iyo labo gabdhood oo loo tababarayay wadista diyaaraddaha.

Sarkaalka ku geeriyooday diyaaradda oo lagu magacaabi jiray Col. Ibraahin C/llaahi Geelle oo in ka badan 5 kun saacadood loo diiwaan geliyay duulimaadyadii uu sameeyay iyo labo gabdhood oo kala ahaa Hodan Axmed Yuusuf iyo Ilhaan Maxamed Ibraahim.

Warsaxaadeed taliska ciidamada cirka Jabuuti soo saaray ayaa lagu sheegay in burburka diyaaradda ay sababtay cilad soo wajahday, maadaama ay aheyd mid aan lagu soo iibsan cuseyb isla markaana ay soo saartay shirkad Mareykan ah.

Diyaaraddan ayaa aheyd mid ciidamada cirka Jabuuti howlahooda u isticmaali jireen, waxayna qaadkeedu ahaa toban qof kaliya.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka tacsiyadeeyay geerida sarkaalka iyo labada gabdhood ee loo tababarayay duulimaadka diyaaraddaha ciidamada cirka Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com