Xiisad xooggan oo ka taagan doorashada Puntland – Maxaa soo kordhay maanta?

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisad xooggan ayaa ka taagan doorashada maamulka Puntland, gaar ahaan Xildhibaannada laga soo doorto SSC-Khaatumo.

Arrinta xiisadda ay hadda ka taagan tahay ayaa ah in Saciid Deni uu suuqa ka qortay 17-ka Xildhibaan ee laga soo doorto SSC, xilli Isimida dhaqanka SSC-Khaatumo ay sheegeen in aysan ka qeyb-galeyn doorashada Puntland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 17 xubnood oo laga keenay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha xukuumadda Deni lagu daray liiska 66-ka Baarlamanka Puntland.

Xubnahan ayaa haysan saxiixa rasmiga ah ee Isimada iyo cuqaasha SSC-Khaatumo, oo iyagu dhawaan si buuxda u caddeeyay mowqifkooda doorashada.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in xubnaha uu soo xushay Siciid Deni ay qaarkood haystaan saxiixyo lagu been-abuurtay Isimada dhaqanka iyo cuqaasha SSC-Khaatumo.

Arrintaan ayaa waxaa si weyn uga horyimid musharaxiinta mucaaradka Puntland, oo digniin culus kasoo saaray. Sidoo kale waxaa soo baxeysa in tallaabadan isku maandhaafsan yihiin Deni iyo ku-xigeenkiisa Karaash.

Xiisadda ka taagan Xildhibaannada laga soo doorto deegaannada SSC ee 17-ka ah ayaa markale laga cabsi qabaa inay gacan ka hadal ka rido Garoowe, xilli lasoo warinayo in mucaaradka uu isku diyaarinayo qaadista tallaabo ka dhan ah isku-dayada Deni.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa xalay caddeeyey in haddii SSC ay noqoto maamul gaar ah aysan lumin doonin xuquuqda siyaasadeed ee beelaha SSC-Khaatumo ay ku leeyihiin maamulka Puntland.

“Waxaan ixtiraameynaa mudada ay qabsadeen, waxaana kula shaqey doonaa sida ay jecelyihiin, Cid walba waxaan ogeysiinayaa Puntland weli sidii lagu soo dhisay ayey ku dhisan tahay ilaa inta wax laga bedelayo xeerarka iyo qawaaniinta u taalla,” ayuu yiri madaxweyne Deni.