Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisad xooggan ayaa ka dhalatay xulista Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari, kadib markii cabasho xooggan ay muujiyeen qaar kamid ah qabaa’ilka.
Murankan ayaa salka ku haya in Hoggaamiye Firdhiye iyo xubno ku dhow loo xiray kuraasta ay beeluhu xaqa u leeyihiin. Madaxweyne Firdhiye, oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimada maamulka, ayaa lagu tuhunsan yahay inuu Baarlamaanka ku biirinayo shakhsiyaad si gaar ah ugu ololeynaya inuu codka helo.
Arrintan ayaa horseeday in guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada hoos u dhigo codsiyada musharaxiinta ay beeluhu kalsoonida ku qabaan.
Dhaliilo toos ah ayaa dhawaan loo jeediyay guddiga hubinta, iyadoo musharaxiinta madaxtinimada maamulka ay ku tilmaameen guddi si cad ugu janjeera musharax gaar ah.
Sidoo kale, baraha bulshada ayaa lagu arkay digniino ka imanaya beelo kala duwan, kuwaas oo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabo militari haddii aan la joojin fara-gelinta lagu eedeeyay Firdhiye.
Xiisadda ayaa kasii dartay markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen xarunta ololaha doorashada ee Firdhiye, kadib markii kursigii xildhibaan ee uu ku fadhiyay loo xirey Fahiimo Yuusuf Quuje oo kamid ah taageerayaashiisa. Weerarkaasi waxa uu sababay dhaawaca mid ka mid ah ilaalada Firdhiye.
Culeyska siyaasadeed ee sii kordhaya ayaa ku qasbay guddiga hubinta iyo ansixinta xildhibaanada inay hakad geliyaan shaacinta liiska xubnaha soo baxay, iyagoo cabsi ka qaba in rabshadaha socda ay dhaawacaan geeddi-socodka dhismaha maamulka cusub.
Si kastaba, hanaanka doorasho ee maamulka cusub ee Waqooyi Bari ayaa waxaa galaangal xooggan ku leh Dowladda Federaalka Soomaaliya oo door weyn ka qaadatay dhismaha maamulka, waxaana halkaasi ku sugan mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladda, oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

