Qaahira (Caasimada Online) – Dawladda Masar ayaa bilowday dadaal diblamaasiyadeed oo baaxad leh, kaas oo ay ku doonayso inay ku dhisto is-bahaysi amni oo istaraatiijiyadeed oo dhex mara Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo dalka Ereteriya.
Sida ay sheegayaan falanqeeyayaasha iyo ilo wareedyo diblamaasiyadeed, tallaabadan ayaa salka ku haysa qorshaha Qaahira ee ah inay iska caabiso galaangalka sii kordhaya ee Imaaraadka Carabta ku leeyahay gobolka Geeska Afrika.
Dhaqdhaqaaqan cusub ayaa muujinaya is-beddel weyn oo ku yimid loolanka ka socda marinka muhiimka ah ee Badda Cas. Masar ayaa isku dayaysa inay xaddiddo hami-weynida saaxiibkeedii hore ee Imaaraadka, kaas oo hadda xiriir dhow oo dhanka millatariga ah la samaystay dalka Itoobiya—oo ay xurguf weyni kala dhexayso Ereteriya.
Sarkaal ka tirsan dalalka Carabta oo xog-ogaal u ah arrimahan ayaa sheegay in Qaahira ay si firfircoon u dhex-dhexaadinayso xukuumadda go’doonsan ee Asmara iyo hoggaanka Riyadh.
Qorshahan ayaa la sheegay inuu daba socdo hannaankii heshiiskii difaaca ee bishii Jannaayo dhex maray ciidanka Suudaan iyo dalka Pakistan, kaas oo la rumeysan yahay inay maalgelisay Sucuudi Carabiya.
Is-beddelka xulafada gobolka ayaa daaha ka fayday khilaafka sii dheeraanaya ee u dhexeeya labada quwadood ee Khaliijka (Sacuudiga iyo Imaaraadka). Iyadoo Riyadh iyo Qaahira ay taageero u fidinayaan ciidanka joogtada ah ee Suudaan, Abu Dhabi ayaa dhankeeda xoojisay iskaashiga millatari ee ay la leedahay Itoobiya, iyadoo sidoo kale lagu eedeeyo inay taageerto xoogagga Gurmadka Degdega ah (RSF) ee dagaalka sokeeye kula jira dawladda Suudaan.
Baahida Asmara iyo maal-gelinta Riyadh
“In la taageero Ereteriya waa tallaabo macno u samaynaysa amniga gobolka ee Masar, balse Qaahira waxaa haysata caqabad dhanka dhaqaalaha ah,” ayuu yiri Michael Woldemariam oo ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika.
“Haddii ay ku guuleystaan inay Sucuudiga soo geliyaan mashruucan, iyadoo la ogyahay hantida ballaaran ee Riyadh, waxay taasi u adeegaysaa danta Masar.”
Madaxweynaha Ereteriya, Isaias Afwerki, ayaa dabayaaqadiisii sanadkii 2025 booqasho ku tagay magaalada Riyadh si uu uga wada hadlo iskaashiga difaaca. Hoggaamiyahan 80-jirka ah ayaa la sheegay inuu raadinayo qalab millatari oo casri ah si uu isaga difaaco awoodda dhanka cirka ee Itoobiya oo aad u korortay.
Xiisadda u dhaxaysa Asmara iyo Addis Ababa ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii Itoobiya ay si rasmi ah u shaqo gelisay Biyo-xireenka weyn ee Renaissance (GERD) bishii Sebteembar 2025—mashruucaas oo ay Masar u aragto khatar jiritaan oo ku wajahan saamiga ay ku leedahay biyaha webiga Niil.
“Ereteriya waxay aad uga walaacsan tahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones-ka) ee Itoobiya,” ayuu yiri Martin Plaut oo xog-ogaal u ah gobolka. “Waxay u baahan yihiin qalab cusub, waxayna u baahan yihiin lacagta Sucuudiga.”
Dhaq-dhaqaaqyadan diblamaasiyadeed waxay kusoo beegmayaan xilli Abu Dhabi ay xoojisay joogitaankeeda gudaha Itoobiya. Horraantii sanadkan 2026, waxaa la diwaangeliyay diyaarado badan oo xamuulka millatariga ah oo ka degaya garoonka Harar Meda ee dalka Itoobiya.
Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in Imaaraadku uu Itoobiya u isticmaalayo xarun saadka looga gudbiyo xoogagga RSF ee ka dagaalamaya dalka deriska ah ee Suudaan.
Masar ayaa iyaduna dhankeeda qaadday tallaabooyin kulul, oo ay ka mid tahay inay soo dhoweysatay diyaaradaha drones-ka ee dalka Turkiga, isla markaana ay cadaadis saarayso xulafada gobolka si loo jaro waddooyinka saadka u dhowra kooxda RSF.
Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalka is-bahaysigan weli waa mid aan cago-adag ku taagnayn. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Sacuudigu, oo hadda xoogga saaraya is-beddelka dhaqaalaha gudaha ee dalkiisa, uu muujiyay cagajiid ku aaddan inuu ballanqaad buuxa ka bixiyo maalgelinta baaxadda leh ee ay codsatay Asmara.
Madaxweyne Afwerki, oo lagu yaqaanno inuu ku dhex dhuunto loolanka quwadaha iska soo horjeeda, ayaa loolankan hadda u dhexeeya dalalka Khaliijka u arka fursad cusub oo uu ku xaqiijinayo badbaadada maamulkiisa, xilli gobolku uu galay xaalad aan fadhigeedu sugnayn.

