Xiisadda badda oo dagaal dalal kale qeyb ka noqdaan ka ridi karta Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal waxaa ka dilaacay baraarug shacab oo wadani ah, kadib markii Itoobiya loo calaamadeeyay xeebta deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal.

Magaaladan taariikhiga ah ayaa La-taliyaha amniga ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen waxaa laga soo xigtay inay tahay halka lagula heshiiyay inay dagaan ciidanka badda ee Itoobiya, sidoo kalena ay ka dhigtaan marin ganacsi, iyada oo wasaaradda warfaafinta Itoobiya ay iyaduna sheegtay in saldhigani uu yahay mid joogto.

Qaadashada xeebaha Lughaya ayaa sidoo kale ka dhigan dhul qaadasho, maadaama aanay marwalba kala hari karin baddaas iyo dhulka ku xiraya dhanka Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa si weyn uga horyimid qorshahan, reer Lughaya ayaa hubka qaatay, waxaana is-casilay wasiirkii gaashaandhiga Somaliland oo deegaanadaasi kasoo jeeda kadib markii uu ka carooday in deegaankiisa la siiyo Itoobiya.

Sidoo kale magaalada Boorama ayaa muujisay guuxii shacab ee ugu cusla ee waayahan ka dhaca Somaliland. Dareenka wadaniga ah ee Boorama ayaa si adag u diidana damaca Itoobiya.

Inkasta oo Itoobiya fahamsan tahay sida ay Soomaalida uga go’an tahay inay dhulkooda u dhintaan, sidoo kalena rejo xumo kasoo wajahday dhaqan-galka heshiiskii Muuse Biixi u saxiixay, haddana dhinaca kale waxaa furantay dood ku saabsan sida Muuse Biixi ugu babac dhigi karo dareenka wadaniga ah ee gobolka Awdal.

Muuse Biixi ayaa kal hore ku fashilmay inuu maareeyo dareen shacbi ah oo ka dilaacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxaana isku dayay inuu xoog ku xaliyo taas oo xaalada gaarsiisay meel uusan waxba ka qaban karin, illaa markii ugu dambeysay ay Laascaanood toos uga baxday gacantiisa.

Markale dab ayuu gacanta ku qaatay Muuse Biixi, reer Awdal si aan dhuumasho laheyn ayay u diideen in deegaankooda uu Muuse Biixi ku wareejiyo Itoobiya, waxayna wacad ku mareen inay dagaalami doonaan, iyada oo wararka qaar sheegayaan inay durba bilaabeen inay is abaabulaan.

Xiisadda gobolka Awdal waxaa la saadaalinaya inay ka cuslaan doonto middii Laascaanood, oo middaan dowlado badan ayaa ku dagaalami kara, kuwaasi oo badankooda kasoo horjeeda Itoobiya.

Waxaa suurta-gal ah in xiisadda Awdal ku lug yeeshaan Ethiopia, Soomaaliya, Jabuuti, Eritrea iyo Masar. Dagaalka biyuhu halis ayuu ku yahay jiritaanka Somaliland inta aan la gaarin ictiraaf, mana muuqato awood ciidan iyo mid siyaasadeed oo Muuse Biixi uu intaas oo dowladood marinadooda ku maareyn karo.

Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu heli waayay aragti siyaasadeed iyo awood ciidan oo uu ku maareeyo xiisaddii gobolka Sool oo ay Soomaali kaliya ku lug laheyd. Waxaana dad badan u sawirmi la’ inuu maanta hayo aragti ama awood ciidan oo u babac dhigi karta hirarka kaga soo socda jihooyinka badan.

Tallooyinka loo jeedinayo waxaa kamid ah in uu dib uga laabto heshiiskan, oo xiisadda ka dhalan karta ay ka gudo weyn tahay inta hadda muuqata.

Wararka ka imaanaya Somaliland waxay sheegayaan in Taliska Muuse Biixi uu durba bilaabay inuu ciidan dheeri ah geeyo gobolka Awdal, si loo caburiyo dareenka waddaniga ah ee ka dilaacay gobolkaas.

Dadka cabiraya heer kulka xiisaddan waxay saadaalinayaan inay markaan Somaliland ka dilaaci karaan jabhado wadani ah oo deegaankooda difaacanaya oo garab ka heli kara dowlado waaweyn.

Inuu Muuse Biixi ku fikiro inuu xoog ku xaliyo xiisaddan ayaa dhalin karta mushkilado ka waaweyn middii Laascaanood ayey leeyihiin dadka ka faalloonaya qaddiyadaan.