Xiisadda GAL-MUDUG oo dhinac kale isku rogtay kadib go’aan ka soo baxay Cali Xareed

Cadaado (Caasimadda Onlne) – Xareed Cali Xareed oo ah  Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in lasoo xiray kala fadhigii 5-aad ee Baarlamaanka Maamulkaas.

Cali Xareed ayaa sheegay inuu fasax u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, maadaama uu sheegay in la gaaray waqtigii la xiri lahaa kalafadhiga shanaad.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka oo kamid ah garabka Siyaasadeed ee Madaxweyne Xaaf ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug ay fasax galeen.

Waraaqda kasoo baxay guddoomiye ku xigeenkan koowaaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa imaaneyso xilli aan weli xal laga gaarin Khilaafka Madaxda Maamul Galmudug.

Go’aankiisa ayaa sidoo kale imanaya xilli xildhibaanada qaar iyo guddoomiyihii baarlamanka ay wadeen dadaal ay ku qabanayaan doorasho madaxweyne ayaga oo ku doodaya in xilkii laga qaaday madaxweyne Xaaf.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa waraaqda fasaxa soo saaray Xilli uu Magaalada Cadaado ku sugan yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug sheegeen inay xilkii ka qaadeen.

Waraaqda lagu fasaxay Baarlamaanka Galmudug ayaa la rumeysan yahay in cadaadis lagu saarayo Garabka kale ee ku dhinaca ah Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka kuwaas oo wado olole ay ku doonayaan inay doorasho ku qabtaan magaalada Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com