Maxkamadda sare ee Kenya oo go’aan rasmi ah ka gaartay doorashada cusub

Nairobi (Caasimadda Online) – Qareenada guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in doorashada ku celiska ah ee Khamiista ay qabsoomi doonto sida uu markii horaba qorshuhu ahaa ka dib markii garsoorayaal ku filan ay soo xaadiri waayeen fadhi gaar ah oo ay maxkamda ugu sarreysa dalka ka yeelan lahayd arrintan.

Maxkamadda ayaa lagu waday inay dhageysato dalab lagu doonayay in dib loogu dhigo doorashada ka dib markii laba ka mid ah todobada garsoore ee maxkamdda ay soo aadireen.

Urur u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa doonayay in dib loo dhigo doorashada maadama guddiga doorashada uusan diyaarsanayn.

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isaga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaaray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista.

Qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha oo kiiskan geeyay maxkamadda ayaa sheegay in aysan Kenya diyaar u ahayn doorasho waxayna rajeynayaan in maxkamaddu ay joojiso doorashadan oo ay ku dhawaaqi doonto in doorasho hor leh la qabto.

Isbaheysigiisa NASA ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada. Booliska ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah. Tobannaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.

Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay ‘qeyb ka noqoshada’ doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho ‘macquul ah’ la qabto.

”Waxaa arrin yaabkeeda leh ah in hoggaamiyayaasha siyaasadda ee laga rabay inay dhisaan qaran ay nqodeen khatarta ugu daran soo food saartay xasilloonida iyo nabadda qaranka”, ayuu yiri Wafula Chebukati.