Warbiixn: Xiisad dagaal oo ka dhex oogan Puntland iyo Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Xiisad dagaal ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka taagan tahay gobolka Mudug taa oo u dhaxeysa maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Xiisadan ayaa xoogeeda ka socta deegaanka Qobgaashaan oo ku dhow deegaanka Godod iyo deegaanno kale oo gobolka Mudug ah.

Maleeshiyaadka labada dhinac ayaa deegaanadaasi ku uruurinaaya Gaadiid iyo Hubka hor leh oo la sheegay in lagu sii ololinaayo dagaaladii maalmahaani ka socday Mudug.

Dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Gobolka Mudug ayaa waxaa ku nafwaayay maleeshiyaad tiradooda lagu sheegay Lix kuwaa oo kala taabacsanaa maamulada Puntland iyo Galmudug.

Gaadiidka cusub ee loo diyaarinaayo dagaalka mar kale laga cabsi qabo ayaa waxaa kamid ah noocyada loo yaqaan Suuga iyo Jiibta oo ay kala wataan labada dhinac, waxaana lasoo warinayaa in Hubkaasi uu yahay kan labada maamul oo qaabab khaldan loo adeegsanaayo.

Dhinaca kale, waxaan jirin dedaal muqdo oo lagu kala dhexgalayo dhinacyadaasi, waxaana suuragal ah in halkaa uu kadhaco dagaal cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com