Weerarkii Boosaaso ka dhacay oo mas’uuliyadiisa la sheegtay

Boosaaso (Caasimadda Online) –  Kooxda Daacish ayaa sheegatay in ay ka dambeeyeen weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Waxaana weerarkaasi ku dhintay 4 Qof oo shacab ahaa, iyo shaqsigii isqarxiyay, oo ay sheegeen Daacish in uu ka tirsanaa Ururkaasi.

Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga saldhiga Booliska ee bartamaha Boosaaso, gaar ahaan goob lagu iibiyo qaadka oo xilliigaasi ay ku suganaayeen dad badan oo shacab ah.

Weerarkani ayaa noqonayo kii 4 aad ee ka dhaca deegaanada Maamulka Puntland oo ay Daacish sheegato in ay ka dambeysay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulkaasi Puntlanad oo ku Aadan sheegashada Daacish ee Weerarkii Baasaaso.

Ururka Daacish ayaa bilooyinkii dambe kusii qulqulayey Deegaanada Puntland, waxayna halkaas ka geystay falal kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com