Xog: Muxuu yahay ujeedka safarka R/W Khayre ee dalka Turkiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa la filayaa in maanta oo Arbaco ah (25-ka October) u ambabaxo dalka Turkiga.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah mid horey u baaqdey balse baaqdey markii qaraxa dadka badan ku dhinteen ka dhacey magaalada Muqdisho.

Khayre ayaa fursada safarkaan ugu faa’ideysan doona inuu booqdo dhaawacyada dadkii ku dhaawacmey qaraxa Muqdisho intooda loo qaadey Turkiga booqdo.

Sida Ilo-wareedyo katirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay sheegeen, Mudane Khayre ayaa la kulmi doono dhigiisa Turkiga Binali Yildirim, waxeyna kawada hadli doonaan xiriirka labada dal.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Turkiga ayaa qaadan doono mudo saddex maalmood ah, isagoo inta uu joogo dalkaasi is arkii doonaan madax kala duwan iyo jaaliyadda Soomaaliya.

Dadka darsa siyaasadda Soomaaliya, ayaa sheegaya in booqashada Khayre ay astaan u tahay xiriirka xoogan ee xilligan ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo sii adkaanayay sanadihii lasoo dhaafay.

Wadanka Turkiga ayaa sidoo kale xiriir dhow la leh dalka Qadar kaasoo dowlada Federaalka ka aaminsan iney ugu hiiliyiin go’aankii dhexdhexaadnimada ahaa ay Villa Soomaaliya ka qaadatey khilaafka Khaliijka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com