Halkee buu ku dambeeyey howlgalkii ay Muqdisho ka wadeen ciidanka xasilinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Maxmed Abuukar Islow Ducaale, ayaa sheegay in ciidamada xasilinta amniga ilaa xad ay ku guuleysteen nabadeynta magaalada Muqdisho.

Wasiir Ducaale, ayaa tilmaamay in ciidamada xoogooda ay iminka ku sugan yihiin goobaha ay ka dhacaan falalka amni daro, waxa uuna farta ku goday inay wadaan howlgalo lagu xaqiijinaayo amniga.

Waxa uu Wasiirka carab dhabay in ciidamadu ay yihiin kuwo isbedel muuqda ku sameeyay amni daridii ka jirtay magaalada Muqdisho, waxa uuna qiray inay jiraan waxyaabo yaryar oo ka dhaca magaalada balse ay ka hortagi doonaan.

Wasiir Ducaale, ayaa ciidamada ku amaanay inay xal u heleen amni daridii looga bartay magaalada Muqdisho, waxa uuna ballanqaaday in mudada uu xilka sii heyn doono uu soo afmeeri doono amni darida yar ee aan weli xalka loo helin.

Ciidamada ayuu sheegay inaanu ka waaban doonin la dagaalanka cid waliba oo qalqal amni ku heysa magaalada Muqdisho, waxa uuna ka digay in loo awood sheegto ciidamada.

Si kastaba ha ahaatee, Ducaale ayaa dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho faray inay la shaqeeyan ciidamada si ay u helaan amni lagu naaloonkaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com