Xiisad cusub: Waare oo dowladda federaalka ah uga digay hal arrin

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka digay in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay ka gaabiso dhameystirka dastuurka dalka.

Waare waxa uu sheegay in aan la aqbali karin in qabyo uu ahaado dastuurka dalka loona baahanyahay in la dhameystiro, si uusan u dhicin iska horumaad iyo is qabqabsi ku saleysan dhanka dastuurka.

Waxa uu Waare farta ku goday inaan laga gudbi doonin khilaaf iyo muran joogta ah oo soo kala dhexgala dowlada Dhexe iyo maamul Goboleedyada waxa uuna ku baaqay in si dhaqsi ah lagu dhameystiro dastuurka.

”Horay waan u sheegay hadana waan ku celinayaa inaanu dhamaan doonin khilaaf, waxaan qabaa in looga bixi karo dhameystirka dastuurka”

Waxa uu tilmaamay in fariintiisa ay tahay mid ku socta Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre oo uu sheegay inay qaadi doonaan mas’uuliyada ka dhalata khilaafyada maadaama dastuurka uu yahay qabyo.

Sidoo kale, Waare waxaa u tilmaamay inaysan qabanin umadda Soomaaliyeed in maalin walba la dhaho dastuurka waa qabyo oo lagu dhaqmi mayo isaga oo hoosta ka xariiqay in madaxweynaha lagu doortay dastuurka.

Si kastaba ha ahaatee, dastuurka Somalia ayaa ah mid qabyo qoraal ah kaasi oo aan wali lagu sameynin dib u eegisa dhab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com