Cabdi Xaashi oo sheegay in uu Garowe u jooga qancinta Puntland, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia Cabdi Xaashi C/laahi ayaa daboolka ka qaaday in ujeedkooda ugu weyn ee joogista magaalada Garooowe ee Caaasimada Maaamulka Puntland, uu yahay xalinta tabashooyinka Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowlada Dhexe ay diyaar u tahay in mar waliba ay isku taagto xalinta tabashooyinka dhanka Siyaasada ah oo ay qabaan maamulada dalka oo ay ugu horeyso Puntland.

Waxa uu cadeeyay in Puntland ay kamid tahay maamulada dhaliilaha ka muujinaaya hanaanka ay dowlada Dhexe ku maamuleyso Siyaasada, balse ay iminka doonayaan in xal laga gaaro dhammaan tabashooyinka jira.

Cabdi Xaashi C/laahi, ayaa intaa ku daray in mudada ay joogan magaalada Garoowe ay sidoo kale ka shaqeyn doonaan hagaajinta nidaamyo khaldan, si buu yiri loo sharciyeeyo waxyaabaha aan laga maarmin ee khaladaadkoodu muuqdo.

Cabdi Xaasha ayaa waxaa ku wehlinaaya socdaalkiisa Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana labaduba maanta lagu wadaa inay furaan kulamo khuseeya arrimo ku saabsan Dastuurka Qaranka iyo hanaanka doorasho ee Soomaaliya marka la gaaro 2020.

Sidoo kale, Xaashi iyo Jawaari ayaa maanta ka qaybgalaaya kulanka 49aad ee golaha barlamaanka Puntland, kaasi oo maanta furmi doona.

Si kastab ah ahaatee, labada Mas’uul ayaa xal u heli doonaa dhammaan waxyaabaha dhaliyay tabashooyinka, iyadoo la filaayo in natiijooyinka kasoo baxdaa ay la wadaagi doonaan saxaafadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com