Puntland oo Somaliland u jeedisay digniin kulul xilli la isku hayo Buuhoodle

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ku goodiyay inay dhulka dhigi doonaan dhammaan xarumaha ay ka dhici doonaan doorashooyinka maamulka Somaliland.

Puntland ayaa sheegtay inaysan ka aamusi doonin doorasho Somaliland oo ka dhacdaa Magaalada Buuhoodle iyo deegaano kale oo ku dhow dhow.

Mas’uul ka tirsan maamulka ayaa tilmaamay in Puntland ay u tabaabusheysatay fashilinta doorashada Somaliland ee lagu diyaarinaayo Magaalada Buuhoodle.

Maxamed Nuur oo kamid ah Saraakiisha maamulka Puntland ayaa dhankiisa ka sheegay in Puntland ay dhulka ku dari doonto xarumaha doorashada, haddii ay dhacdo in doorasho lagu qabto Magaalada Buuhoodle.

Waxa uu intaa kusii daray Sargaalkan in heegan buuxa la galiyay ciidamada Puntland ee jooga Magaalada Buhoodle.

Sidoo kale, magaalada Buuhoodle waxaa ka jira xiisad siyaasadeed, waxaana isku haysta dhinacyo kala taabacsan maamulka Somaliland iyo Puntland.

Geesta kale, Hubka culculus ayay labada dhinac ku xirteen banaanka Magaalada Buuhoodle waxaana laga cabsi qabaa in halkaa uu ka dhaco dagaal fashil u horseedi kara doorasho ka dhacdaa Magaalada Buuhoodle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com