Xiisadda hareysay gudiyada doorashooyinka oo kasii dartay – Maxaa soo kordhay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli dood adag iyo xiisad culus ay ka taagan tahay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) iyo heer dowlad goboleed (SEIT), kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey wajahayey culeyso xoogan iyo eedeymo loo jeedinayey.

Xuseen Carab Ciise oo ka tirsanaa xilldhibaanada golaha shacabka ee muddada xil heynta ka dhammaatay ayaa shaaca ka qaaday in weli ay dhibaato ka jirto guddiyada doorashada.

Xildhibaanka oo horay kursigiisii dacwad uga keenay, balse loo xukumay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaciyey in loo baahan-yahay in sixitaan deg-deg ah lagu sameeyo guddiyada FEIT iyo SEIT ee doorashooyinka dalka.

“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo guddiyada SEIT, FEIT iyo Khilaafaadka. Khilaafaadka iyaga waa la taabtay, laakiin dhibaatada ugu weyn waxa ay ka jirtaa waa labada kale sixitaan deg-deg ah ayuu FEIT u baahan yahay oo waaba ku bilaabmay,” ayuu yiri Carab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in guddiyadan ay horseedayaan musuq-maasuq, isla-markaana aysan dan ka laheyn qaranimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxay muujiyeen iyaga oo aan gambaneynin inay horseedayaan musuq-maasuq, dana aaney ka laheyn qaranimada Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Xiisadda hareysay guddiyada doorashooyinka ayaa marba marka ka dambeyso ka sii dareyso, waxaana arrintooda ay dhalisay khilaafka haatan ka taagan dalka, gaar ahaan Villa Soomaaliya ee u dhexeeyo Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida uu qorshuhu yahay Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa go’aan rasmi ah ka gaari doono arrintan, si loo soo afjaro xiisadda taagan oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka.

Si kastaba, Rooble ayaa horay u kala diray guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, taas oo keentay in markale ay soo noqoto xiisadda Villa Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii