Xiisadda Puntland oo kasii dartay iyo dibadbaxyo dhacay

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Puntland ayaa sheegaya in haatan ay kasii dareyso xiisadda ka taagan maamulkaasi, taas oo ka dhalatay muranka hareeyey doorashada oo ay isku hayaan madaxweyne Deni iyo ururada kale ee siyaasadda.

Xiisadda ayaa haatan kusii fidieysa magaalooyin horleh, waxaana maanta dibad-bax ballaaran uu ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo ay dhigeen shacabka ku dhaqan magaaladaasi oo xarun ganacsi u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dadweynaha ayaa dibadbax kala hortegay xubno ka mid ah guddiga doorashada Puntland oo Boosaaso u tegay qiimeynta doorasho qof iyo cod ah oo uu haatan qorsheynayo in madaxweyne Saciid Deni ka qabto illaa 12 degmo, wallow taasi si weyn loogu dhaliilay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dibadbaxayaasha iyo ciidamada ammaanka ay isku dhaceen, taas oo keentay in rasaas lagu kala eryo dadka isugu soo baxay halkaasi.

Ma cadda waxyeelada ka dhalatay rasaasta ay ciidamada ku fureen dibadbaxayaasha, balse haatan xaaladda ayaa ah mid deggan, sida ay inoo sheegeen dad goobjooagayaal

Maalin kahor ayey aheyd markii maleeshiyaad hubeysan oo ka soo horjeeda Puntland ay duleedka degmada Garoowe ka qabsadeen agab loogu talagalay doorashada iyo gaadiid ay la socdeen xubno ka tirsan guddiga ku meel gaarka ah doorashooyinkamaamulkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse Deni ayaa wajahaya culeys aad u xoogan oo uga imaanayao reer Puntland oo ay xittaa ku jiraan madaxdii hore ee maamulkaasi.

Si kastaba, Mudaaharaadka Boosaaso ayaa kusoo beegmay xilli ay Puntland wajahayso qalalaase ka dhashay doorashooyinka lagu muransan yahay ee tooska ah.