Cumar Abu Ayaan: Waxba sooma kordhineyso tallaabada Mareykanka ee Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa markale cunaqabateyn horleh ku soo rogtay shaqsiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ay sheegtay inay ka tirsan yihiin shabakad ururka u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo keenista hubka.

Xubnaha xayiraadda la saaray ayaa gaaraya illaa 10 ruux, waxa ka mid ah Cabdullahi Jeeri oo ah madaxa kooxda Al-Shabaab ee keenista hubka, Khalif Adale oo Al-Shabaab u qaabilsan lacag kasoo uruurinta ururada aan dowliga aheyn ee NGO-yada, iyo Xasan Afgooye oo ay horey dowladda Mareyankanka madaxiisa u dul-dhigtau5 milyan oo Dollar.

Haddaba maxay soo kordhin kartaa xayiraadda cusub ee Maraykanku ku soo rogay Shabaab?

Cumar Maxamed Abu Ayaan oo horey uga tirsanaan jiray kooxda Al-Shabaab, isla-markaana haatan ku nool dalka Sweden ayaa shaaca ka qaaday in tallaabada Mareykanka uu qaaday aysan waxba ka duwaneyn kuwii hore, gaar ahaan cunaqabateyntii uu horey usoo rogay, sida uu hadalka u dhigay.

Abu Ayaan oo u warramay VOA ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan saameyn xoogleh ku yeelan karin xayiraaddaan cusub ee hadda lagu soo rogay 10 xubnood oo ka mid ah ururka iyo taliyeyaashooda, wuxuuna tilmaamay in kooxdan ay tahay mid maxali ah isla-markaana aysan jirin shaqsiyaad taajiriin ah oo ka soo maal-geliya dibadda, sida uu hadalka u dhigay.

“Horta Al-Shabaab ma’aha sida waddamada kaleeto oo shaqsiyaad taajiriin ah ay maal-gelinayaan waa urur maxalli ah oo aan dibadda aadin. Cunaqabateynta Mareykanka waxay la mid tahay kuwii horey loo soo saaray,” ayuu yiri Cumar Maxamed Abu Ayaan.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay in kooxda Al-Shabaab aysan isticmaalin bangiyada caalamka, ayna lacagaha ay hesho ka qaado shacabka iyo ganacsatada Soomalaiyeed.

“Cunaqabateyntaan waxaan is leeyahay waxba kama tareyso, dadkan weligood Bangi dibadda ah ma isticmaalin, xoolahooda bangiyada caalamka ma yaallaan waxa ay ku nool yihiin waxa ay ka dhacaan shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale Cumar Maxamed Abu Ayaan ayaa xusay inay muhiim tahay in Al-Shabaab lagala dagaalamo ilaha ay ka helaan dhaqaalaha gudaha, sida canshuuraha & Zakawaatka.

“Haddii la rabo in la naafeeyo dhaqaale ahaan waa in la gala dagaalmo ilaha ay wax kasoo galayaan , sida canshuuraha iyo Zakawaatka waxa ay ku sheegaan,” ayuu markale yiri.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa haatan wajaheyso dagaal wejiyo kala duwan leh, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo saaxibada caalamka ee taageera, waxayna arrimahan ay ku soo aadayaan ayadoo haatan kacdoon shacab uu ka socdo dalka.