Ciidanka xildhibaan Xaadoole oo degaano cusub qabsaday iyo wararkii u dambeeyey

Balcad (Caasimada Online) – Ciidamada Milateriga dowladda Soomaaliya ee howlgalka ka bilaabay Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa degaano horleh oo hoos taga degmada Balcad kala wareegay kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada uu hoggaaminayo Xildhibaan Cismaan Xaadoole la wareegeen degaanada Bariga degmada Balcad ee kala ah: Jamceeco Misra, Maqdis, Baardheere, Gaashaanle, Tugaareey, Jameeco Mubaarak, Doonka Maxaa Colow iyo Mansaale

Xildhibaan Cismaaciil Xaadoole ayaa laga soo xigtay inay gacanta ku dhigeen 30 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, ayna sii wadi doonaan dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo Gobolka Sh/Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in rajo laga qabo inuu isu furmo jidka u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo Al-Shabaab ay qaraxyo iyo weerarro jidgal ah ku qaadi jireen, una xirmay qaraxyada iyo weerarrada Al-Shabaab.

Dhinaca kale, ciidamada Dawladda iyo dadka degaanka oo is kaashanayaa ayaa saaka aroortii  hore howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Xalfooleey oo ku yaalla meel u dhow xadka kala qaybiya gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidamada oo si xirfadaysan jidka ugu galay Al-Shabaab socoto ahaa ay gubeen mid ka mid ah gawaaridii ay wateen, islamarkaana ay dileen tobaneeyo ka tirsan Al-Shabaab ee halkaas ku safrayay.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen in qorshahaan weerarka ah uu yahay mid ku cusub Al-Shabaab, ciidamada dowladana ay markasta diyaar u yihiin inay beegsadaan halkii lagu arko xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.