Xiisadda Puntland oo waji cusub yeelatay iyo rasaas maanta laga maqlay Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya xiisadda ka taagan dowlada goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, taas oo salka ku heysa  arrinta diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha oo muran xoogan ka dhalisay maamulkaasi.

Xiisadda ayaa yeelatay waji cusub, waxayna isku bedashay gacan ka hadal, kadib markii ay laba garab noqdeen ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saaka rasaas laga maqay aaga Jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka bilowdaan diiwaangelinta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online rasaasta ayaa waxaa is weydaarsaday ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland iyo kuwa loo xilsaaray ilaalinta goobaha diiwaan-gelinta.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan, balse waxaa lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dreemayo halkaasi.

Ciidamada Danab ee uu hoggaaminayo Sarreeye Guuto Jimcaale Jaamac ayaa ka biyo diidan diiwaan-gelinta oo la filayo inay beri ka bilaabato magaalada Garoowe.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xaaladda magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan ay socdaan dadaallo ay bilaabeen waxgaradka Puntland oo ku aadan, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka jirta halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxayna arrimahaan kusoo aadayaan, ayada oo haatan Deni ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka wado kulamo siyaasadeed oo ku aadan arrimaha doorashada ee maamulkaasi.