Xiisadda SOMALILAND iyo Jabuuti oo ka dartay kadib tallaab ay qaaday Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Xiisadda u dhaxeysa Somaliland iyo Jabuuti ayaa u muuqata inay kasii dareyso kadib markii Somaliland ay shalay dib u celisay Markab jiidayey xadhig Internet, kaasi oo laga lahaa dalka Jabuuti, isla markaana la rabay in Xadhigaasi Internet la mariyo Badda Berbera, loona sii jiido Soomaaliya.

Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa dhinaca kale markii u horeysay ka hadlay qorshaha ay dowladda Jabuuti ay xadhig Internet ku soo marinayso Badda magaalada Berbera.

Waddani ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay iska indho tireyso jiritaanka Somaliland, isla markaana ay Jabuuti ogoleyn gooni isku taaga Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya.

Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka xisbiga Waddani oo arrinkaasi ka hadlayey ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Jabuuti ay ka faa’iideysatay maamul xumada baahsan ee xukuumada Biixi ku hogaamiso Somaliland.

Barkhad Batuun ayaa waxa kale oo uu su’aal galiyay qorshaha Jabuuti ee xadhiga Internet-ka u soo marinayso Badda Berbera, iyadoo wax ogolaansho ah ka haysan Xukuumada Muuse Biixi, Wuxuuna yiri

“Dawlada Jabuuti xadhigeeda internetka ee Fiber Optic laba su’aalood ayaa layska waydiin karaa arintan marka la eego xadhiga ay keenayaan magaalada Berbera wasiirkooda isgaadhsiintu waxa uu ku tilmaamay inay Soomaaliya ka mid tahay, ta labaadna keenida xadhiga ee Somaliland maxaa ka furan”.

“Marka ay barnaamij qabanayeen maadaama oo ay marinayaan magaalooyin Somaliland ka tirsan inay maamus ahaan, dublamaasiyad ahaan iyo sharci ahaanba inay ka soo casuumaan xukuumada Kulmiye ayey ahayd oo wakhtiga la keenayo, nidaamka loo keenayo, masuuliyada, heshiiska la gaadhayo iyo dhaawaca iman karaba in meesha ay ka muuqato ayey ahayd”.

“Dhulka ay hada soo galayaan cida maamushaana waa Somaliland in layska indho tiro oo aan waxba la waydiin oo marka la doono layska soo galayo marka la doonana layska baxayo waa ayaan darooyinka iyo siyaasad xumida ay dawlada kulmiye keentay, Jabuutina malaa Somaliland waxay u haysataa Cali Sabiix oo kale”

Wuxuuna intaas kusii daray “Marka la eego hadalka ninka Mas’uulka ah ee dawlada Jabuuti afkeeda ku hadlayey waxa uu muujinayaa inay wali iska indho tirayaan xaqiiqada dhabta ah iyo jiritaanka Somaliland, aniguna garan maayo goor ay maamulkeeda Soomaaliya maamusho, in xaqiiqada iyo jiritaanka umada Somaliland iyo halgankeeda inaanay Jabuuti ogolayn ayaa cad”.

“Meesha waxa ka muuqata in cida Mas’uuliyadii dalka haysay ee xukuumada Kulmiye ahayd inaanay eegayn masiirka umada ee ay masaaliix gaar ah eeganayso, arintaasna waa in xoog looga hadlaa waayo waxa uu mugdi iyo muran galay masiirkii umada, arintaasina hada mid qaranimo ayey taagan tahay dhaliishuna cid kale maaha ee waa nidaamkan faashilka ah ee Kulmiye ee ku haftay maamulkii dalka”.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ku dhaliilay jawaabtii ay ka bixisay xadhiga ay dowladda Jabuuti soo marineyso badda Berbera, isagoona ku tilmaamay mid baryootan uu ka muuqday.