Somaliland iyo Puntland oo qarka u saaran dagaal cusub

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa lagu soo warramayaa inay markale dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in xiisadda ay haatan sii xoogeysaneyso, waxayna ugu daran tahay dhinaca degmada Boocame oo ay maanta gudaha u galeen ciidamo fara badan oo uu watay guddoomiyaha maamulka gobolka Sool ee Somaliland, Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in guddoomiye Aadan ay galbinayaan illaa 45 baabuurta dagaalka ah, waxaana la sheegay inuu usii gudbayo dhinaca hawdka ah, gaar ahaana tuulada Karin-garfood, halkaas oo maanta Qado Sharaf loogu sameynayo.

Sidoo kale waxaa magaalada Boocame dhinac uga sugan wafdi ka socda dhanka Puntland, waxaana horkacaya wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland oo ay wehelinayaan xildhibaanka halkaas laga soo doorto iyo sidoo kale guddoomiyaha Sool ee Puntland.

Ciidamada labada dhinac ayaa sidoo kale isku uruursanayo duleedka degmada Boocame iyo sidoo kale dhanka deegaanka Tukaraq oo ay muddo isku horfadhiyeen.

Xaaladda ayaa haatan ayaa aad u cakiran, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal culus ka qarxo halkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta labada maamul oo ku aadan xiisadda ka soo cusboonaatay degmada Boocame ee gobolka Sool.

Somaliland iyo Puntland oo xuduud leh ayaa in muddo ah isku haya gacan ku heynta deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaa ee waqooyiga Soomaaliya.