Xiisadda uu QOOR QOOR isku dayayo inuu xalliyo ee ka taagan Gaalkacyo (Warbixin)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo xalay ku hoyday magaalada Gaalkacyo ayaa halkaasi ka bilaabay wada-hadallo lagu xalinaayo shaqaaqo ka dhalatay dil loo geystay Sheekh Cali Axmed Faarax ( Sheikh Calidheere).

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Gaalkacyo, isaga oo kala hadlay sidii loo dhameyn lahaa shaqaaqada ka dhalatay dilka Sheekh Cali Dheere, sidoo kalena gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Khamiistii todobadkii hore Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo dilkii degaan hoostaga magaalada loogu geystay Sheekh Cali Dheere), iyada oo banaanbaxayaasha ay dalbanayeen in cadaaladda la horkeeno dadkii dilka geystay.

Qoor Qoor oo uu wehlinayo taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Cismaan Cabdulahi Maxamed Kaniif ayaa waxaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada si baaritan dhab ah loogu sameeyo waxa sababay dilka Sheekh Cali Dheere.

Xiisadda magaalada ka taagan ee dilka Sheekh Cali Dheera ayaa laga cabsi qabaa inay horseeddo dilal kale oo magaalada ka dhacay oo aargoosi ah, amaba kasii daran’e dagaal ay dad badan ku dhintaan oo ka dhaca.