Ciidamada NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada nabad sugida ee dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay howl-gal qorsheysan ka fuliyey duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga magaaladaasi.

Howl-galka ayaa si gaar ah waxaa looga sameeyey deegaano hoos-yimaad magaalada Beledweyne oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha NISA ee degmada Beledweyne Ibraahim Maxamed Abuukar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay si nabadoon ku gaareen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan, kadib markii ay isaga baxeen xooggagii Al-Shabaab ee horay ugu sugnaa halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan howl-galladooda, inta Al-Shabaab laga saarayo deegaanadaasi.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.