Wararkii ugu dambeeyey ee caleema saarka GEELLE

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii shanaad loo caleema saarayaa xilka madaxweynaha ee dalkaasi.

Munaabadda caleema saarka oo si weyn loo soo qaban qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb-galaya wufuud kala duwan, sida ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ra’isul wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Rwanda Abiy Ahmed iyo Edouard Ngirente, madaxweynaha Guine Alpha Conde, madaxweyne ku xigeenka South Sudan iyo xubno sare oo ka socda dalalka Uganda, Kenya, Pakistan, Turkey, Sucuudiga iyo sidoo kale France.

Sidoo kale waxaa la filayaa xubno kale oo ka qeyb-galaya xafladda caleema saarka inay maanta gaaraan gudaha wadankaasi.

Geelle oo dhowaan dib loo doortay ayaa helay codad gaaraya  98.41%, kadib doorashadii ka dhacday Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu Ismaaciil Cumar Geelle qaabili doono, isla-markaana kulan duceedyo la qaadan doono madaxda ka qeyb-galeysa caleema saarkiisa.

Dhinaca kale madaxweynaha Soomaaliya ee uu waqtigiisu dhammaaday ayaa ka baaqsaday ka qeyb-galka munaasabaddan, waxaana ku metalaya Ra’iisul wasaare Rooble, hase’yeeshee ka qeyb-galka ra’iisul wasaaraha ee caleemo-saarka ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhex-oogan dowladaha dariska ah ee Somalia iyo Jabuuti.

Si kastaba khilaafkan ayaa kasoo billowday markii 2018-kii uu Farmaajo xulufo siyaasadeed la sameystay Eritrea oo haysata dhul ay Jabuuti leedahay, taasi oo aad ay uga xumaatay dowladda Jabuuti in madaxweyne Soomaaliyeed uu la safto dal haysta dhul Soomaaliyeed.