Socdaalka Rooble oo muujiyey heerka uu gaaray khilaafka Farmaajo iyo Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cabdulqaadir Kaamil, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhowaan markii shanaad loo doortay inuu shan sano oo kale hoggaamiyo Jabuuti.

Safarka Rooble ayaa yimid kadib markii madaxweyne Farmaajo uu ka baaqday caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle. 

Ma cadda in Farmaajo uu diiday ka qeyb-galka iyo inaan lagu casuumin, hase yeeshee ka qeyb-galka Rooble ee caleemo-saarka ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhex-oogan Farmaajo iyo dowladda Jabuuti.

Khilaafkan ayaa kasoo billowday markii 2018-kii uu Farmaajo xulufo siyaasadeed la sameystay Eritrea oo haysata dhul ay Jabuuti leedahay, taasi oo aad ay uga xumaatay Jabuuti in madaxweyne Soomaaliyeed uu la safto dal haysta dhul Soomaaliyeed.

Wuxuu khilaafka sii xoogeystay markii dowladda federaalka ay ku eedeysay guddigii ay Jabuuti hoggaamineysay ee IGAD ay u dirtay xadka Soomaaliya iyo Kenya inay la safteen Kenya, taasi oo Jabuuti ay beenisay.

Kadib dowladda federaalka ayaa soo saareysay qoraallo iyo hadallo ay jeedinayaan mas’uuliyiin oo lagu weerarayo Jabuuti, ayada oo lagu eedeynayo inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Jabuuti ma bixin jawaab aan aheyn inay eedahaas iska fogeyso, mana jirin wax dhaliilo ah ama camaabreyn ah oo ay u jeedisay dowladda federaalka.

Ka baaqashada Farmaajo ee caleemo-saarka Geelle, xilli uu dhowaan kasoo laabtay midkii Yoweri Museveni ee Uganda ayaa muujineysa in xiriirka  Farmaajo iyo Jabuuti uu meel xun gaaray iyo inaysan la qabin madaxda kale ee dowladda federaalka.

Farmaajo ayaa marar badan lagu eedeeyey inuu dagaalka siyaasadeed ee Kenya iyo Jabuuti u adeegsado dano siyaasadeed oo gudaha ah. Inkasta oo dagaalka Kenya aan qeylo badan ka iman, haddana midka Jabuuti aad ayey u diideen shacabka Soomaaliyeed, iyo xitaa xubno ka tirsan dowladda.