Dowlada Kenya oo fasaxday duulimaadyo Hargeysa ah kadib go’aanki ay ku joojisay duulimaadyada Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa u fasaxday laba diyaaradood inay dalkeeda ka baxaan oo ay qalab electronic ah geeyaan Somaliland, inkasta oo ay mamnuucday duulimaadyada dalkeeda ka aadaya iyo kuwa uga imanaya Soomaaliya.

Diyaaradahan oo lagu fasaxay amar Khamiistii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo tirsigiisu yahay MFA/PRO.91/002 (052), ayaa lagu sheegay in laba diyaarad oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation loo ogolaan doono inay qalab ka qaadaan garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, ayaga oo sii maraya Jabuuti kadibna gaynaya caasimadda Somaliland ee Hargeysa. 

Labada diyaarad oo noocoodu yahay MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F kana diiwaan-gashan Kenya ayaa loo fasaxay inay alaabta qaadaan inta u dhaxeysa May 13 illaa 15, loona kordhin karo waqtiga haddii aysan muddadaas ku duulin. 

“Fadlan la soco in fasax ku eg 72 saac la ogolaaday,” ayaa lagu yiri qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya u dirtay Xafiiska Somaliland ee Nairobi, Khamiistii. 

Tallaabada ay qaaday Kenya ayaa la filayaa inay carreysiiso dowladda federaalka, inkasta oo labaada diyaarad ay u sheegtay inay ka fogaadaan hawada Soomaaliya.

Si kastaba ma cadda hab ay diyaaradahaas uga baxsan karaa hawada Soomaaliya, maadaama halkii ay soo maraanba ay ugu dambeyn soo galayaan hawada Soomaaliya, si ay uga degaan Hargeysa. 

Kenya ayaa toddobaadkii tegay joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya, marka laga reebo kuwa caafimaad iyo gargaarka bani’aadannimo ayada oo la rumeysan yahay inay kaga jawaabeyso qaadka Kenya oo ay Soomaaliya mamnuucday.

Dowladda federaalka ayaa qaadka Kenya beddelkiisa fasaxday kan Ethiopia, oo sida lagu sheegay mashruuc lagu siiyey dad ku dhow madaxweyne Farmaajo iyo kuwa ehel la ah, meeshana looga saaro ganacsatadii Soomaaliyeed ee qaadka Kenya keeni jiray.