AL-SHABAAB oo baaq yaab leh u dirtay dhallinyarada dunida ee ‘jihaad’ doonka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal ay hoggaanka ururkaas ugu baaqayaan dhallinyarada ajnabiga ah ee “jihaad” doonka ah inay usoo haajiraan Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan “jihaadka ka socda.”

Muuqaalka Al-Shabaab ayaa sare loogu qaaday looguna amaanay ajaaniibtii horey uga garab dagaalamay xarakada eee ka yimid dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan Yurub, wuxuuna muuqaalka ku baxay afar luuqad oo kala ah; Somali, Carabi, English iyo Swahili.

Inkastoo aan la ogeyn xilliga muuqaalkan la duubayay iyo goobta lagu duubay, ayaa waxaa haddana ka muuqda dagaalyahano ajnabi ah oo tababar ay usoo xirayaan Amiir ku-xigeenka Al-Shabaab Mahad Karate iyo hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab ee Kenya Ahmed Imam. Dhallinyarada tababarka loo soo xiray ayaa ka yimid Kenya. 

Muuqaalka Al-Shabaab ayaa ujeedkiisu ahaa olole lagu doonayo in lagu soo jiito dhallinyarro cusub oo dibadda uga soo biirta kooxda, waxaana Mahad Karate iyo Ahmed Iman ay ugu baaqayaan dhallinyarrada caalamka ee Muslimiinta ah inay kusoo biiraan “jihaadka ka socda” Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ololahan qeyb ka ahaa baaqyo ay dirayaan dhallinyaro ajnabi ah, oo qaarkood ay geeriyoodeen iyo qaar nool, oo dhallinyarada kale ee caalamka ugu baaqaya kuna dhiiri-gelinaya inay Soomaaliya yimaadaan, ayaga oo sheegaya inay nolol fiican ku heystaan gudaha Soomaaliya.

Ajaaniibta ugu badan ee Al-Shabaab ka barbar dagaalama xilligan waa muhaajiriinta Kenyan-ka kasoo jeeda.

Dadka fallanqeeya amniga ayaa rumeysan in habka xun ee dowladda Kenya iyo ciidankeeda ay ula dhaqmaan dhallinyarada muslimiinta ah ee dalkaas, oo lagu hayo beegsi ay ka mid yihiin dilal ka baxsan sharciga, ay horseeday in dhallinyaro badan ay u biiraan Al-Shabaab.