25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Xiisaddii Masjidka Al-Aqsa oo 10 maalmood kadib ay guul uga soo hoyatay Falastiiniyiinta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jerusalem (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa waxa qaaday qalabka lagu baaro hubka iyo biraha wax lagu dilo ee ay gaysay aagga barakaysan ee maagaalada Qudus, iyadoo taa badelkeedana isticmaali doonta qaab midkaasi ka fudud.

Golaha ammaanka ee Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa goor sii horreysay oo Talaadadii ah u codeeyay in qalabkaasi meesha laga qaado, kadib markii cadaadiska Falastiiniyiinta iyo dibadbaxyada xooggan ay miro dhaleen.

Xiisad ayaa cirka isku shareertay kaddib markii 14-kii July laba askari oo ka tirsan booliska Israa’iil lagu dilay Xaram al-Shariif halkaas oo Yuhuuduna ay u taqaan Temple Mount.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe ayaa ka digay xiisadahan taagan ay halis ugu jiraan inay ku faafaan meelo ka baxsan goobahan barakaysan.

Bayaan ka soo baxay xafiiska Mr Netanyahu ayaa lagu sheegay in golaha ammaanka ay aqbaleen talo soo jeedinta ah in dhammaan ciidammada ammaanka ay badalaan qalabka lagu baaro hubka iyo biraha oo la isticmaalo tiknolojiyadda casri ah iyo qaabab kale.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 28 milyan oo doolar loo qoodeeyay in lagu soo gado qalab cusub sidoo kalana lagu qoro askar boolis dheeraad ah.

Mas’uuliyiinta Israa’iil ayaa sheegay in qalabkaasi wax lagu baaro loo baahan yahay sababtoo ah bay yiraahdeen raggii hubaysnaa ee weerrarka gaystay hub ayey gudaha masjidka la soo galeen, hasayeeshee go’aankaasi waxa uu kiciyay mudaharaadyo.

Jimcihii la soo dhaafay, saddex Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay iskudhacyo dhexmaray ciidammada ammaanka ee Israa’iil iyo dad dibadbaxayay, xilli kumannaan qof ay isugu soo baxeen Bariga magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News