Maamulka gobalka Banaadir oo Amisom ku qanciyay iney ka baxaan Stadium Muqdisho iyo Kuliyadda Jaale Siyaad

Muqdisho (Caasimadda Online ): Duqa magaaladda Muqdisho Taabit Cabdi ayaa maanta hadal qiimo leh ka jeediyay shirka xarunta Xalane uga socdda madaxda dowladda Somalia iyo taliska ciidamadda Amisom.

Mr Taabit ayaa qudbadiisa maanta kaga hadlay goobaha muhiimka u ah nolasha dadka reer Muqdisho ee ay dagan yihiin ciidamadda Amisom, si gaar ah waxa uu usoo hadal qaaday garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho iyo Kuliyadda Jaale Siyaad.

Gudoomiyaha gobalka Benaadir ayaa bilawgii hore ee qudbadiisa uga mahadceliyay Amisom doorka ay ka qaadatay hormarka iyo nabadda Somalia si gaar ah caasimadda Muqdisho.

“Wax badan oo abaal ah ayey idiin hayaan shacabka Soomaliyeed gaar ahaan dadka ku nool gobalka Benaadir , waxaad nala joogteen waqti adag oo aan u baahneyn caawimaad ciidan oo banaanka ah mana iloobi doonaan Soomaliddu doorkiina ayuu yiri Mr Taabit.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo arinta ku saabsan goobaha aad dagantihiin , waxaa jira meelo muhiim u ah shacabka sida Stadium Muqdisho iyo Kuliyadda Jaale Siyaad, waxaan idinka codsanaya inaad deeganadaas ka guurtaan oo aad maamulka kusoo wareejisaan si dadweynuhu ay u isticmaalaan.

Amisom oo ka jaawabeysa soo jeedinta Duqa magaaladda ayaa sheegtay in ay aqbaleen iney labadaas xarumood ka guuraan ayna deg deg ku wareejin doonaan.

Ka bixitaankii ay ciidamadda Amisom ka baxeen xaruntii Jaamacadda Gaheyr ayuu Taabit ku tilmaamay talaabo wanaagsan, waxaa uu sheegy iney noqon doonto goob dadka loogu shaqeeyo.

Shirkaan oo diiradda lagu saarayo qaabkii ay ciidamadda Amisom howsha amniga dalka ugu wareejin lahaayeen ciidamadda Dowladda Somalia ayaa la filaayo in lasoo gaba gabeeyo Khamiista.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com