Goodax “Shisheeyuhu ha ku filnaato faro-galintii hore, Somalia wey tashatay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/llaahi Goodax Bare oo kamid ah Baarlamaanka Somalia, ayaa si adag uga hadlay faragalinta ay Dowladaha shisheeye ku hayaan Somalia.

Xildhibaan Goodax Bare, ayaa sheegay in Dowladaha Shisheeye ay dhaqan iyo caadaba ka dhigteen inay isku adeegsadaan Siyaasiyiinta Soomaalida, hayeeshee waxa uu tilmaamay in faragalin danbe aysan dhici doonin.

Goodax Bare, waxa uu tilmaamay in Somalia ay ka daashay faragalin shisheeye, waxa uuna cadeeyay in Dowlada iminka dhalatay ay si gaara isaga fiirin doonto faragalinta.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in dalka uu yahay mid hada soo kabsanaya oo dagaalo iyo dhibaatooyin ay la degeen, dhibaatana ay ku tahay in fara gelin lagu sameeyo.

Goodax Bare, ayaa Dowladaha deriska iyo kuwa reer galbeedka ah u sheegay in Somalia ay diiday faragalin isla markaana aysan qaadan doonin in arrimaheeda la faragaliyo.

Haddalka Xildhibaan Goodax Bare, ayaa imaanaya xili inta badan Soomaalida ay iminka kusoo baraarugeen faragalinta ay Dowladaha shisheeye ku hayaan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com