Liiska magacyada xildhibaanada uu u hanjabay Gen. Gabre

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan dhawaan shaacinay Basaaska Dowlada Ethiopia u qaabilsan kala geynta Soomaalida Gen. Gabre ayaa Hanjabaado dil ah u jeediyay Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ee dalka.

Gen. Gabre ayaa Xildhibaanadaasi oo mucaarad ku ahaa Xasan Sheekh ugu goodiyay inuu u maleegi doono qorshayaal dil ah, waa haddii aysan dooran Musharaxa ay wadato Dowlada Ethiopia.

Xildhibaanada uu u hanjabay Gen. Gabre ayaa badi ka tirsanaa Garabka isbedel doonka ah ee soo saaray Madaxweyne Farmaajo oo 8 Feb 2017 loo doortay xilkaasi.

Shabakada Caasimada Online ayaa waxaa u suuragashay inay hesho qaar kamid ah Xildhibaanada loogu hanjabay dilka oo tirro ahaan dhan 30 Xildhibaan, waxaana noo suuragashay inaan helno Xildhibaanada kala ah:

1-Xil. C/llahi Goodax Bare oo laga soo doortay Hirshabelle.

2-Xil. Axmed Macalin Fiqi oo laga soo doortay Galmudug.

3- Xil. Foosiyo Xaaji Aadan oo lagu doortay magaalada Muqdisho.

4- Xil. Maxamed Cali Cumar ”Caananuug” oo laga soo doortay Jubbaland.

5-Shariif Maxamed Cabdalla oo laga soo doortay Koonfur Galbeed.

6-Cabdirizak Cisman Xassan ”Jurile” oo laga soo doortay Puntland.

7- Xil. Cilmi Cumar

8- Xil. Xuseen Carab Ciise oo lagu doortay magaalada Muqdisho.

9- Xil. Sagal Isaaq Biixi oo laga soo doortay Jubbalan.

10- Xil. Khaliif Cabdi Cumar oo laga soo doortay Hirshabelle.

11- Xil. C/xakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug.

12- Xil. C/llahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo laga soo doortay Hirshabelle

13- Xil. Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi

Xildhibaanadaani kor ku xusan ayaa diiday inay u codeeyan Musharaxa ay wadato Dowlada Ethiopia, iyagoo ka duulaaya in Dalka uu ka baxo gumeysiga.

Xildhibaanadaani ayaa taa bedelkeeda doorbiday inay codka siiyaan Madaxweyne Farmaajo, iyagoo Gen. Gebra tusaaya inuusan laheyn awood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com