Ma ahan QM ee waa arooska dimoqraadiyadda Somalia: Sawirkii taariikhda ka dhigay doorashada

Markii lagu dhawaaqay in Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu yahay Madaxweynaha Rasmiga ah Ee Somaaliya ayaa waxaa xafladda dhamaaddkeeda laga qabtay sawir noqday mid galay taariikhda Soomaaliya iyo tan carabta.

Sawirkaas ayaa laga qaaday seddexdii madaxaweyne ee is xig xigay kuwaas oo soo maray dalka Soomaaliya oo is heysta gacmaha isla markaasna muujinayo isku xirnaan iyo midnimo, waxaana sawirkaas ku midoobay Shiikh Shariif Sh. Axmed oo Kursiga u baneeyey Xasan Sh. Maxamuud Iyo Farmaajo oo Badal u noqoday Xasan.

Haddaba waxaan maqaalkaan kusoo aruuriyey waxyaabihii ay ka dhaheen qaar kamid ah dadka u dhashay carabta kuwaas oo fikirkooda kaga hadlay micnaha uu leeyahay sawirkaan iyo taariikhda uu u dhigay carabta  guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya waxayna fikradooda soo mariyeen barta bulshada ku xiriirto ee Twitterka.

Haddaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayaa qaar kamid ah fikradahaas oo aan u arkay inay yihiin kuwa mudan inaan la wadaago umadda Soomaaliya waxaana sawir kasta hoostiisa ku qori doonaa macnaha hadalka uu shaqsigaas ka dhahay sawirka oo Af-Soomaali ah sidoo kalana waxaa sawirka korkiisa idinkaga muuqan doono hadalkii oo Carabi ah.

Ahmed Al-Sabai oo ah nin kasoo jeedo dalka Yeman ayaa bartiisa twitterka soo dhigay sawirkaan kore wuxuuna cinwaan uga dhigay ” Dadka U Dhashay Yemen oo Soomaalinimo Codsanayo”

#Soomaaliya oo ka hor martay Yeman iyadoo si nabadgalyo ah Xilka Madaxweynimo isugu wareejiyey , ٍSeddex madaxweyne Oo Midba Kan kale U Ogolaaday Natiijada Kasoo Baxday Doorashada”.

Cabaas Aldhaleai isna waa Yemani Kale sida aad ka dareemi doonto hadalkiisa oo uu cinwaan uga soo dhigay “Waxaan Codsaneynaa Sida Soomaaliya Oo Kale”

# Madaxdii hore ee Soomaaliya oo la joogo Madaxweynaha Cusub Kadib Doorashadii Madaxweynimo, Waa sawir aan horey looga aqoon (arag) masraxa siyaasadeed ee carabta.

Adham Abu Suleima ayaa isna ciwaanka uga soo dhigay fikirkiisa ku aadan sawirkaaan ” Ma Ahan Qaramada Midoobay ee waa arooska dimoqraadiyadda maanta ee Soomaaliya”

“Madaxdii hore ee Soomaaliya oo la joogaan madaxweynaha cusub ee Farmaajo”

Ghamdan Al-Yuusifii Waa ninka ugu dambeeyo ee aan fikirkiisa soo qaadaneyno wuxuuna Cinwaan ahaan uga dhigtay ” Wuxuu Sawirkaan Noqon doonaa Midka Ugu weyn sanadkaan 2017″

“Seddex Madaxweyne oo isku badbadalay kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya: Shariif, Madaxweynaha La Doortay ee Farmaajo iyo Midka Xukunkiisa dhamaaday ee Shiikh Maxamuud”

Waxaa Qoray oo Turjumay : Cabaas Cali Xasan (Xaliye) oo ah falanqeeye siyaasadeed